TALIYAHA CUSUB EE CIIDANKA QARANKA SOMALILAND


Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa sarreeye guuto Nimcaan Yuusuf Cismaan u magacaabay inuu noqdo taliyaha guud ee ciidanka milateriga Somaliland, isaga oo beddeli doona taliyihii hore ee ciidankaas, general Nuux Ismaaciil Taani, oo muddo 10 sanno ku dhow hayey xilkaas.
Magacaabista Taliyahan cusub ee ciidanka milateriga ayaa timid maalin ka dib markii Madaxweyne Cirro uu soo saaray xeer madaxweyne oo lagu tiro koobayo Ciidamada kala duwan ee Somaliland iyo in mushahar kordhin 50% ah sannad walba ciidamada loo kordhin doono shanta sano ee soo socda, taas oo qayb ka ahayd balanqaadyadii uu ololaha doorashada ku galay.
Taariikhda Taliyaha Cusub ee Ciidanka Milateriga Somaliland
Nimcaan Yuusuf Cismaan (Gaaxnuug), ayaa noqonaya Taliyihii ugu da’da yaraa ee ciidanka milateriga ee Somaliland loo magacaabo tan iyo markii ciidankaas la aasaasay sannadkii 1994-kii, iyada oo muddadaas ay soo mareen in ka badan todoba Taliye.
Sarreeye Guuto Nimcaan Yuusuf Cismaan, waxa uu dhashay sannadkii 1985-kii, waa 40 jir, waxaanu labaatankii sanno ee u dambeeyey ka mid ahaa ciidamada, gaar ahaan kuwa milateriga ee Somaliland, oo uu xilal kala duwan ka soo qabtay.
Waxa uu Nimcaan Yuusuf, waxbarashadii aasaasiga ah ku qaatay magaalada Hargeysa, isaga oo intii dambe waxbarashadiisa sare ku qaatay barashada arrimaha ciidamada hoggaamintooda iyo maamulkooda.
Kornayl Xaamuud Maxamuud Diiriye, oo ay saaxiibbo isku dhow yihiin Taliyaha cusub, soona wada shaqeeyeen, ayaa ku tilmaamay shakhsiyada Taliyaha cusub “Waa nin dhalinyaro ah oo firfircoon, go’aan qaadasho leh, inta ugu badan wakhtigiisana ku qaata goobta shaqada” ayuu yidhi Kornayl Xaamud Diiriye, oo BBC-da uga warramay shakhsiyada taliyaha Cusub ee loo magacaabay ciidanka milateriga Somaliland.

Maxay yihiin xilalka Ciidan ee uu Sarkaalkan da’a yar soo qabtay
Sannadkii 2006 waxa uu ka mid ahaa ardayd waxbarasho loogu qaaday dalka Itoobiya, halkaas oo uu kuliyadda layli saraakiisha dalka Itoobiya uu galay, isaga ku soo bartay kulliyadaas hoggaaminta ciidanka dhulka, Waxaana uu ka mid ahaa dhalinyaradii dalka Itoobiya ku soo dhamaystay aqoon dhinaca ciidamada ah, waxaana 2011-kii uu noqday taliyaha guuto ka mid ah ciidamada Kumaandoska Somaliland oo la yidhaahdo Gama’diid.
Taliyaha cusub, waxa uu sidoo kale soo noqday hawl gelinta ciidanka Madaxtoyada 2016-kii ilaa 2020-kii.
Sarreeye Guuto Nimcaan Yuusuf Cismaan, waxa uu hayey magacaabistiisa ka hor xilka ku xigeenka Hoggaanka xidhiidhka dibedda ciidanka Qaranka.
Waxa uu tababarro iyo waxbarasho ku soo qaatay kulliyado Milateri oo ku yaala dalalka Itoobiya, Ingiriiska iyo Taiwan.
Inkasta oo uu taliyahan cusub, isaga oo da’yar galay ciidanka, tababarro kala duwanna uu helay, haddana waxa shaqadiisu u badnayd dhinaca maamulka, ma jirin dagaallo iyo hawl galo uu ka qayb galay, sida uu BBC-da u sheegay Gaashaanle Dhexe Cabdiqaadir Xaamud Cumar (Saadiq), oo ay soo wada shaqeeyaan “Hawlgallo iyo dagaallo uu galay oo aan ogahay ma jirin, oo aan ku odhan karo hawlgallada ayaan wada galnay, waayo wakhtigaasi waxa ay ahayd wakhti nabaddeed oo aanay wax colaad ama dagaal ah jirin. Waxaan u badnaa hoggaaminta oo talisyada ciidanka ayuu ka hawl geli jiray”.

Maxay yihiin waxyaabaha horyaala ee la filayo inuu wax ka qabto Taliyaha Cusub
Intii ka dambaysay dagaalkii Goojacadde ee sannadkii 2023-kii, waxa su’aalo ka taagnaayeen ciidamada Somaliland ee imika fadhiisimada ku leh degmada Oog ee Gobolka Sool, waxaanu xisbiga Waddani oo wakhtigaasi mucaarad ahaa ku dhaliilay qaabkii uu Madaxweynihii hore ee Somaliland u maamulay ciidanka milateriga.
40 jirkan hoggaamin doona ciidamada Somaliland, ayaa waxaa horyaala waxyaabo badan oo u baahan inuu wax ka qabo, kuwaas oo isugu jira hirgelinta qorshaha Madaxweyne Cirro ee uu soo saaray maalintii Arbacadii ee ah tiro koobka ciidanka iyo mushahar kordhinta 50% ah oo sannad walba la kordhin doono 50% ilaa la gaadhsiinayo 250%, arrimahaas oo ah kuwa hirgelintoodu bilaabmayso 30 maalmood gudahooda, sida uu sheegay Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro).
Gaashaanle Dhexe Cabdiqaadir Xaamud Cumar (Saadiq), oo ka mid ah saraakiisha ciidanka milateriga ee Somaliland oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in waxyaabaha laga filayo taliye Nimcaan Yuusuf Gaaxnuug ay ka mid yihiin dib u qaabaynta Ciidanka qaranka ee loo magacaabay “Waxa laga filayaa in ciidanka mar labaad dib u dhis lagu sameeyo, inuu hirgeliyo qorshaha mushahar kordhinta iyo tiro koobka ciidamadaas. Markaas hawlo badan ayaa u yaala oo aanu filayo inuu wax ka qabto”
.
Leave a Comment